861 Views

Puntland oo Ciidamo ku daadisay wadooyinka Boosaaso

Puntland oo Ciidamo ku daadisay wadooyinka Boosaaso
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 23 2021–
Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulkaas lagu soo daadiyay wadooyinka Magaaladaas.

Ciidamada ayaa waxaa ay baaritaan ku sameynayaan gaadiidka, kala duwan, dadka saaran iyo dadweynaha wadooyinka lugeynaya.

Wariyeyaasha ka howlgalla Magaalada Boosaaso ayaa soo sheegaya in tallaabadaan ay tahay mid Puntland ay uga hortageyso in ay magaaladaasi ka dhacaan bannaabaxyo looga soo horjeedo hadalkii Madaxweynaha Puntland.

Shalay waxaa Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ka kala dhacay dibadbaxyo kooban oo looga soo horjeedah hadalkii habee  ka hor kasoo yeeray Madaxweynaha Punrland Saciid Cabdullaani Deni.


xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post