909 Views

Taliyaha AFRICOM oo walaac ka muujiyay weerarada Al-Shabaab ee kordhay

Taliyaha AFRICOM oo walaac ka muujiyay weerarada Al-Shabaab ee kordhay
____________________________________________________________________________

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) Stephen Townsend ayaa sheegay in madaxweynaha 46-aad ee dalka Mareykanka uu la wadaagay digniin la xariirta halista ka dhalan ka awooda dagaalamayaasha Al-shabaab oo sii xoogeysaneysay waxii ka dambeeyay sanadkii bilawgii 2021, xiligaas oo uu sheegay iney ku beegan tahay markii ciidamada Mareykanka laga saaray gudaha Soomaaliya.

Taliyaha oo Warwysi siiyay Idaacadda VOA-da wuxuu sheegay in uu qabo welwel la xiriira in Al-shabaab fulin karto weeraro ka dhan ah danaha dowladda Mareykanka, islamarkaana ka baxasan gudaha dalka Soomaaliya.

“ Waxaan tuhunsanahay in Al-shabaab awood u leeyihiin in Mareykanka ay ku bartilmaameedsadaan meel ka baxsan gobolka, xitaa haddii ay ahaan lahayd Mareykanka, Washington si weyn loogama Aaminsano sirdoon ahaan balse dareenkeyga Taliye ahaan waxa uu ii sheegayaa in ay sameyn karaan Al-shabaab sidaasi” ayuu yiri Taliyaha AFRICOM.

Wuxuu intaasi ku daray Stephen Towsend inay la kulmeen caqabado uga yimid go’aanka madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump, kaasoo la xiriiray in ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya.

Taliyaha AFRICOM ayaa go’aankii ciidmada Mareykanka looga saaray gudaha Soomaaliya ku tilmaamay mid qar iska tuur ah oo hoos u dhigay awoodii ciidamada Ameerikaanka lagu yaqiinay.

Warkaan kasoo yeeray Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa kusoo aadaya xilli bilihii la soo dhaafay ay kordheyn weerarada ay Ururka Al-Shabaab ka fuliyaan Koonfurta dalka Soomaaliya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post