387 Views

Dad cudurka Furuq-Daanyeerka ugu dhintay meel ka baxsan Afrika

Dad cudurka Furuq-Daanyeerka ugu dhintay meel ka baxsan Afrika
____________________________________________________________________________

Sabti: July 30, 2022

Dalalka Spain iyo Brazil ayaa ku dhawaaqay dadki ugu horreeyey oo uga dhintay cudurka Furuqa- Daanyeerka taasoo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ay toddobaadkii hore ku dhawaaqay in cudurkan uu yahay xaalad degdeg ah oo heer caalami ah.

Toddobo qof ayaa hadda la ogyahay inay u dhinteen cudurka Furuqa-Daanyeerka, balse labadan qof ee cudurka u dhimatay ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee cudurka ugu geeriyooda meel ka baxsan qaaradda Afrika.

Astaamaha ugu horreeya ee lagu arko bukaanka uu ku dhaco feyraska Monkeybox ama Furuqa-Daanyeerka waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, murqo xanuun, dhabar xanuun, qarqar iyo daal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post