1305 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Denmark ee Soomaaliya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Denmark ee Soomaaliya iyo Kenya
____________________________________________________________________________


Isniin: November 8, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam, uu kulan la qaatay Safiirka Denmark ee Soomaaliya iyo Kenya Danjire Ole Thonke.

Kulanka ayaa lagaga hadlay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Jubbaland, kuwaas oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka iyo xoolaha, iyadoo  gurmad baaxad leh ay Jubbaland wado kaas oo lagu tageerayo dadka ay dhibaatada abaartu saamaysay.

Sidoo kale  mas’uuliyiintu ay wada hadal qoto dheer ka yeesheen arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo dar dargelin lahaa doorashada Golaha Shacabka oo dhawaan ka bilaabatay Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post