765 Views

Joe Biden” rabitaankii shacabka uu meel maray “

Joe Biden” rabitaankii shacabka uu meel maray “
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 15, 2020 –Madaxwaynaha la doortay ee Mareykanaka Joe Biden ayaa sheegay “in rabitaankii shacabka uu meel maray ” ka dib markii guushii uu doorashada ka gaaray lagu ansixiyay nidaamka ergada ee loo yaqaano (electoral college).

Hadal uu jeediyay ka dib markii go’aankani lagu dhawaaqay, waxaa uu sheegay in dimuqraadiyadda Mareykanka “halis ” la galiyay islamarkana “ay cadaatay adkeysiga iyo awoodda dimuqraadiyadda”.

Ansixintan ayaa ah tallaabadii ugu dambeysay ee looga baahnaa Mr Biden si uu xafiiska ula wareego 20-ka bisha Janaayo.

Madaxwayne Donald Trump imika loogama baahna xitaa in uu aqbalo natiijada.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa doorashadii November waxay ku guuleysteen 306 ergo amaba (electoral college) halka Jamhuuriyiinta ay heleen 232.

Ansixinta ayaa ahayd in mar hore ay dhacdo, balse kiisas uu maxkamadaha geeyay madaxwayne Trump ayaa dib loogu dhigay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post