735 Views

SAWIRO:- Midowga Musharixiinta oo kulan la qaatay Urrurada Bulshada Rayidka

SAWIRO:- Midowga Musharixiinta oo kulan la qaatay Urrurada Bulshada Rayidka
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 16, 2021 —Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah waxaa ay kulan ku leeyihiin Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay kaga hadlayaan xaaladda doorashooyinka Soomaaliya.

Kulanka Maanta ayaa waxaa ku biiray Urrurada Bulshada rayidka oo Midowga Musharixiinta kala hadlay arrimahaa la xiriira doorashooyinkii dhacay ee Aqalka Sare  iyo kuwa Aqalka Hoose ee dhawaan dhacaya, kuwaas oo sida ay ku billowdeen ay Midowga Musharixiinta walaac ka muujiyeen.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa Urrurada Bulshada rayidka waxaa uu la wadaagay mowqifka Musharixiinta ee sida ay ku billowdeen doorashooyinka Aqalka Sare iyo in kuwa Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka ay noqdaan kuwo ku dhaca si xur iyo xalaal ah.

Guddoomiyaha Urrurada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Cusmaan Muxudiin Shaatax ayaa markale ku celiyay in sida ay ku billowdeen doorashooyinka Aqalka Sare ay yihiin musuq maasuq, isla markaana ay noqon doonaan kuwo dhibaato ku noqon doonta dowladda soo socota.

Xubnaha Midowga Musharixiinta oo wada la tashiyo kala duwan ayaa waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan la yeeshaan Ra’iisul Wasaare Rooble oo gacanta ku haaya howlaha doorashoohinka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post