426 Views

Xarunta Guddiga FEIT oo wali ka socoto shahaado siinta Xildhibaanada

Xarunta Guddiga FEIT oo wali ka socoto shahaado siinta Xildhibaanada
____________________________________________________________________________

Isniin:April 11, 2022

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa xaruntooda Muqdisho wali ka wada shahaado siinta Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha Xildhibaanada ee qaatay shahaadada Xildhibaanimo ayaa tiradooda kor u dhaafaya 200 oo mudane, balse waxaa maanta qaatay shahaadada Xildhibaanimo Xildhibaanada kala ah:

  1. Xildhibaan Abdirahman Mohamed Omar Jubba GSH#269,
  2. Xildhibaan Fawziya Yusuf H. Adam GSH#262,
  3. iyo Xildhibaan Caasho Koos Maxamuud Cumar GSH#211.

Xildhibaanadaan qaatay shahaadada Xildhibaanimo ayaa ku biiraya tiro Xildhibaano ah oo hore u qaatay shahaadada Xildhibaanimo, waxaana tiradooda ay haatan tahay inta qaadatay Shahaadada 204 Mudane oo ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post