930 Views

Rooble iyo Axmed Madoobe oo si wadajir ah u guddoomiyey shirka wasiirada Jubbaland

Rooble iyo Axmed Madoobe oo  si wadajir ah u guddoomiyey shirka wasiirada Jubbaland
____________________________________________________________________________

.

Khamiis: july 8, 2021

Wararka ka imaanaya maanta magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha xukuumadda fedeeraalka ah ee Soomaaliya,  Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay maanta si wadajir ah u guddoomiyey shirka wasiirada maamulkaasi.

Shirka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka oo qeyb ka ah socdaalka Rooble ee magaalada Kismaayo.

.

Sidoo kale waxaa kulanka golaha wasiirada Jubbaland oo ka duwanaa sidii hore lagu soo hadal qaaday sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta wasaaradaha xukuumada federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland, maadaama ay bah-wadaag wada yihiin.

Office Nairobi Kenya

\

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post