1119 Views

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Lala Eegtay Mas’uul Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Lala Eegtay Mas’uul Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL  March 03, 2019 –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax miino oo Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho,kaasi oo geystay Khasaaro.

Qaraxaasi ayaa waxaa la  sheegay in uu ka dhacay deegaanka Weeydow,isla markaana ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso,jugtiisana laga maqlay Xaafaddo ka tirsan halkaasi.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in qaraxa lala eegtay Gaari la sheegay in uu la socday Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada deegaanka Garasbaaleey xili halkaasi uu marayay.

Guddoomiye kuxigeenka Garasbaaleey oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Maxamuud ayaa la sheegay in uu ka badbaaday qaraxaas,hayeeshee ay ku dhaawacmeen Afar ruux oo shacab ahaa oo goobta  ka Agdhawaa.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in dadkii ku dhaawacmay qaraxa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo ah Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada deegaanka Garasbaaleey oo aan xiriiro kala duwan la sameeysnay si aan wax badan u weediiyno qaraxa ayaa ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment