756 Views

Liberia oo $71,000 ku iibsatay dawo-dhaqameed Covid-19 lagu daweyo

Liberia oo $71,000  ku iibsatay dawo-dhaqameed  Covid-19 lagu daweyo
____________________________________________________________________________

May 29 2021

Liberia ayaa $71,000 (£50,000) ku kharash gareysay soo dhoofinta saddex kartoon oo yaryar oo ay ku jiraan dawo-dhaqameed lagu sameeyay dalka Madagascar taas oo lagu sheegay inay daweyso Covid-19, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dalkaas.

Arrintan ayaa muran ka dhalisay gudaha Liberia, gaar ahaan kaddib markii wasaaraddu ay ka noqotay hadalkeedii hore ee ahaa in dawadan ay deeq ahaan uga timid dowladda Madagascar isla markaana ay dowladda Liberia keliya bixisay kharashka soo dhoofinta saddexda kartoon ee yaryar.

Muuqaalka Madaxweyne George Weah oo sanad kahor dawadan ku guddoomaya garoonka, ayay dadku iskula wadaageen baraha bulshada.

Waxtarka dawo-dhaqameedkan ayaan weli la caddeyn inkastoo dhowr jeer la baaray.

Madagascar, oo hore ugu tiirsaneyd dawadan, ayaa haatan dalbatay tallaalka uu ansixiyay Ururka Caafimaadka Adduunka.

Ma cadda haddii in Liberia ay bulshada usoo bandhigtay dawadan iyo in kale.

Waa fadeexaddii ugu dambeysay ee hareysay maamulka Mr Weah oo lagu dhaliilo si xun u isticmaalidda lacagaha dadweynaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post