1005 Views

Bulshada Caalamka oo madaxda Somalia ugu baaqay in khilaafka la dhammeeyo

Bulshada Caalamka oo madaxda Somalia ugu baaqay in khilaafka la dhammeeyo
____________________________________________________________________________


Jimco: September 17, 2021

War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen UNSOM, IGAD iyo dalalka ku lugta leh siyaasadda Somalia ayaa labada mas’uul ee dalka Somalia ugu sareeya loogu baaqay in khilaafkooda ay dhinac dhigaan oo ay culeyska saaraan arrimaha doorashada.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka waxay aad uga walaacsan yihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.”

War-saxaafadeed ayaa madaxda Somalia ugu baaqay in helidda hanaan siyaasadeed oo loo dhan yahay uu yahay lagama maarmaan “Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday.”

Sidoo kale War-saxafadeedkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu wali taagan yahay khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo RWe Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post