285 Views

Computer-ada laga maamulo hawlaha nukliyeerka ee Iran oo la jabsaday

Computer-ada laga maamulo hawlaha nukliyeerka ee Iran oo la jabsaday
____________________________________________________________________________

 Isniin: OCTOBER 24, 2022

 Koox aan la aqoonsan oo isku magcawday Black Reward ayaa sheegtay inay jabsatay qaar ka mida computer-ada laga maamulo hawlaha horumarinta Nukliyeerka ee dalka Iran, iyaga oo sheegtay inay sii daayeen sawirada xarumaha nukliyeerka ee Iran iyo ugu yaraan macluumaad gaadhaya illaa 50 gigabyte oo ku saabsan arrimaha nukliyeerka ee dalkaas.

Kooxda Black Reward ayaa sidoo kale sheegtay inay daabacday waxa ay ugu yeedhay macluumaadka shakhsiga ah iyo lacagaha la siiyo injineerada iyo shaqaalaha hay’adda maamusha hawlaha nukliyeerka ee dalka Iran, sidoo kale waxay sheegeen inay heleen baasaboorada iyo fiisayaasha khubaro u kala dhalatay Iran iyo Ruushka oo ka hawlgala wershedda tamarta ee Bushehr.

Ururkan ayaa dalbaday inay Iran sii dayso dhammaan maxaabiista u xidhxidhan arrimaha siyaasadda ee xabsiga la dhigay intii ay socdeen mudaharaadadii dhowaan ka dhacay dalkaas.

Ha’aydda tamarta atomikada ee dalka Iran ayaa iyadu sheegtay Axaddii in koox ajnebi ahi ay jabsatay ama u dhacday xogtii ku kaydsanayd mid ka mida computer-deeda, oo ay gudaha u galeen emailkooda.

Qoraal ay hay’addu soo saartay Axaddii ayay ku tilmaantay macluumaadka ku jira iimaylada shirkaddu “inay yihiin kuwo wata fariimo la xidhiidha dhinaca farsamada iyo xog is waydaarsiga maalinlaha ah”

Associated Press

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post