1419 Views

Gudoomiyihii hore ee G/Banaadir oo sheegay in uu jiro Dayac Amni

Gudoomiyihii hore ee G/Banaadir oo sheegay in uu jiro Dayac Amni
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  28, 2019 –Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dayac Amni uu ka jiro Magaalada Muqdisho, islamarkaana maalinwalba la gumaado Shacabka Soomaaliyeed.

“Qalbi-jab iyo tiraanyo kaloo hor leh oo wiliba aad isugu xig-xiga. Waxaan dhibka la qeybsanayaa dhamaan intii wax yeeladu kasoo gaartay qaraxii maanta ee Muqdisho ka dhacay. Intii ku dhimatay naxariistii janno Allaha siiyo, dhaawacana Allaha u dhib yareeyo” ayuu yiri Taabid Cabdi

“Ma garan karo wax kale oo aan ku tilmaamo gumaadka iyo dayaca amni ee isu biirsaday shacabka Soomaaliyeed balse waxaan leeyahay Alle wuu idin wada arkaa, ee weli waxaad heystaan waqti aad isku saxdaan, Ilaahayna aad ugu soo laabataan. Ogaada cuqubada muwaadinka miskiinka ah ee aan talo iyo tabar heynin wey soo baxeysaa maalin uun, Ilaaheyna ma il-duufo oo wuu idin wada arkaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalka Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa yimid xilli Magaalada Muqdisho ay maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen Qaraxyo joogto ah oo ay ku dhinteen dad badan oo Shacab ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment