978 Views

DF oo beenisay in ay shir Nairobi kula yeelaneyso xubno ka tirsan Somaliland

DF oo beenisay in ay shir Nairobi kula yeelaneyso xubno ka tirsan Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 25, 2019 –Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay in wakiillo ka kala socda dowladda dhexe iyo Maamulka SOmaliland ay ku wadahadlayaan Magaalada Nairobi.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Dr Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa sheegay in uusan jirin kulan u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Somaliland oo ka dhacay Nairobi.

Waxaa uu Dr Fuursade sheegay in dowladda Federaalka ah ay diyaar u tahay in ay lahadasho Somaliland islamarkaana kula hadasho meel ku haboon,waqti ku habboon ka qeybgalayaasha isku raacaan ajendaha.

 

 

Hadalka dowladda ayaa imanaya iyada oo dhawaan la baahiyay in dowladda Federaalka ah uu wadahadalkaas ku matalayo agaasimaga madaxtooyada halka Somaliland ay ku matalayaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda.

Dowladaha Reer Yurub iyo Turkiga ayaa aad u daneynaya qabashada iyo qaadashada doorka dhex dhexaadinta wadahadallada dowladda dhexe iyo Somaliland.

Somaliland oo 1991dii ku dhawaaqday in ay ka go’day Somaliya inteeda kale ayaan ilaa hadda wax aqoonsi ah ka helin Caalamka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment