1110 Views

duullimaadyada rakaabka Kismaayo Oo Waji Cusub Yeeshay

duullimaadyada rakaabka Kismaayo Oo Waji Cusub Yeeshay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 04, 2019 —Waxaa toddobaad laga joogaa markii Hay’adda duulista hawada ee Soomaaliya ay shirkadaha diyaaradaha ku wargelisay in dhamaan duullimaadyada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ee Magaalada Kismayo in ay soo maraan Muqdisho.

 

Arrintan waxay timid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in aysan aqoonsaneyn doorashadii Jubbaland oo ay ku tilmaamtay “iscaleemo saar”.

 

Go’aanka Dowladda ay ku soo rogtay duullimaadyada oo u muuqda mid dhaqan galay ayaa saameyay dadka rayidka ah ee adeegsada diyaaradaha isaga kala goosha Magaalooyinka Nairobi iyo Kismayo.

 

Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha Soomaalida ee taga Kismayo ayaa sheegay in ay kordhiyeen qiimaha lagu raaco diyaaradaha, ayna ugu wacan tahay go’aanka Dowladda.

 

“Walaaca aan qabno wuxuu yahay in muddadii lagu safri jiray ay markii hore ahayd saacad iyo bar markii uu duulimaadka uu ahaa toos, hadana Muqdisho in la maro ayay noqotay oo wakhtiga wuu dheeraaday, dadka rakaabkana dhib ayay ku noqotay wayna iska dhaafeen safarka, anaguna dhibaato ayey nagu noqotay”, ayuu yiri Cabdi Macalin oo ah maamulaha shirkadda Freedom Airline oo ka mid ah diyaaradaha taga Kismaayo.

 

Qiimaha ayuu sheegay in markii hore uu ahaa $230 doolar, haatanna oo “Muqdishu aan marno wuxuu noqday $290 doollar.

 

Cabdi ayaa intaa raaciyay in dad badan ay iska dhaafeen safarka dheer, qarash badan na uu kaga baxo marwalba oo ay diyaaradda caga dhigato Kismaayo iyo Muqdisho.

 

“Inkastoo qarashka diyaaradda lagu daray haddana taas wali kuma filna, sababto ah qiimaha ayaa aad u badan oo khasaaro ayaa inaga soo gaaraya”, ayuu raaciyay.

 

Khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo muddo soo jiitamayay wuxuu sii xumaaday ka dib doorashadii maamulka oo hadda laba toddobaad laga joogo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment