1044 Views

Maxkamadda Ciidamada oo siideysay rag uu ku jiro Guddoomiye ku xigeenkii Afgooye

Maxkamadda Ciidamada oo siideysay rag uu ku jiro Guddoomiye ku xigeenkii Afgooye
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 19, 2020 —Maxkamadda Ciidamada Qalabak sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay siideysay rag uu ku jiro Guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Afgooye,kuwaas oo loo xirey tuhun la xiriira inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

 

Ismaaciil Aadan Cadow, Cabbdikariim Nuur Maxamuud, Cabdi Jaamac Cabdi iyo Daahir Cali Cabdi ayaa loo soo xiray in ay ku lug la haayeen Qarax ka dhacay gurigii uu deganaa guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose Cumar Maxamuud Cilmi kaasi oo sababay Dhimashada Marxuumka Lixdii November sanadkii tegay.

 

 

 

Hey’adaha Ammaanka ayaa soo kala xiray Afarta tuhunsane xilliya kala duwan, waxa ayna ku kala wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida bartimihii December iyo dabayaaqadii January.

 

Ismaaciil Aadan Cadow, ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada degmada Afgooye, Cabdi Jaamac Cabbdi ayaa ahaa guddoomiyaha waaxda Ceelasha Biyaha, Cabbdikariim Nuur Maxamuud ayaa ahaa beeraley halka Daahir Cali Cabdi uu ka tirsanaa ciidanka ilaalada deegaanka “Minishiibiyo”.

 

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeyay Afarta ruux in ay ka mid yihiin Alshabaab iyo in ay ka dambeeyeen Qarax uu ku geeriyooday Allaha Unaxariiste Cumar Maxamuud Cilmi oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose.

 

Mid kamid ah Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda u sheega in aysan jirin wax cadeyma ah oo muujinaya in ay ka dambeeyeen raggan qaraxa uu ku geeriyooday guddoomiye ku xigeenkii gobalka Shabeellada hoose, sidaas darteedna ay u cosadeen inaan loo ciqaabin natiijada tuhun aan buuxin shuruudaha eedda.

 

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aamisay in afarta eedeysane ay xur yihiin hadii aysan jirin eedo kale oo loo haysto sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamad Qalabka Sida.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment