915 Views

Ciidamo Gorgor oo tababar gaar ah ku soo qaatay Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Ciidamo Gorgor oo tababar gaar ah ku soo qaatay Turkiga oo soo gaaray Muqdisho
____________________________________________________________________________

June 3 20212

Wasiirka Wasaaradda Gaadhaandhigga Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyey Dufcaddii 2aad ee ururka 7aad ee Kumaandooska Gorgor oo tababar gaar ah ku soo qaatay Dalka Turkiga.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa tilmaamay in Ciidanka Gorgor ay qeyb ka yihiin howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan Gobollada dalka , isagoo xusay in guulo ay ka soo hooyeen Dagaallo ay la galeen Al-shabaab, tababarkooduna yahay mid kalsooni weyn ay ku qabaan .

Sidoo kale  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa tibaaxay in Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay qorshe ballaaran oo dib-u-habeyn iyo tayeyn loogu sameynayo Ciidanka , kaasoo lagu guuleystay, Waxa uu hadalkiisa ku sii daray in Kumaandooska Gorgor yihiin cudud Ciidan oo Qaranka Soomaaliya uu ku faanayo .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post