885 Views

Q.midoobay “ Afghanistan Sannadkan waxaa ku dhintay shacabkii ugu badnaa oo gaaraya 3000 kun

Q.midoobay “ Afghanistan  Sannadkan waxaa ku dhintay shacabkii ugu badnaa oo gaaraya 3000 kun
____________________________________________________________________________

Isniin: July 26 2021


Warbixino cusub oo ka soo baxay qaramada midoobaya ayaa caddaynaya in dadka shacabka ah ee lagu laayey Afghanistan ay gaadheen tiro rikoodh ah, qaybta hore ee sannadkan.

UN-ka ayaa sheegaya in boqolkiiba afartan iyo todobo ay kordheen dhimashada marka loo barbardhigo isla muddadii sanadkii la soo dhaafay, tani waxay u egtahay inay noqon doonto laba iyo tobankii bilood ee ugu dhimashada badnaa gaar ahaan shacabka reer Afghanistan.

Warbixintan ayaa ku eedeysay inta badan (kun iyo lix boqol) oo dhimasho Taliban iyo kuwa kale oo dowladda ka soo horjeeda (waxayna sheegtay in miinooyinka la farsameeyay ay ahaayeen kuwa horseeday waxyeellada ugu badan).

Daalibaan ayaa bilaabay duulaankoodan cusub bishii May iyadoo ciidamada caalamiga ay ka baxeen dalkaas, waxayna hada qabsadeen ku dhowaad kalabadh guud ahaanba waddankaas. waxayna ku hareeraysan yihiin magaalooyin dhowr ah. Howlgalka UN-ka wuxuu sidoo kale soo sheegay in uu si aad ah u kordheen weerarada ka dhanka ah bulshada Shiicada ah ee reer Afghanistan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post