1218 Views

Buundooyin laga dhisayo Inta u Dhaxeysa Hargeysa iyo Berbera Muuse Biixi oo Kormeeray

Buundooyin laga dhisayo Inta u Dhaxeysa Hargeysa iyo Berbera Muuse  Biixi oo Kormeeray
____________________________________________________________________________

April 29-2021

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi  ayaa kormeer shaqo kusoo maray buundooyin kala duwan ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, gaar ahaan midka dooxa weyn ee Dacar-budhuq oo dhismihiisu meel wanaagsan marayo, ahaana biriijka ugu waxyeelada badan xili roobaadka.

Madaxweynaha iyo xubno weftigiisa kamid ah, ayaa u kuurgalay habsami-u-socodka buundada  dooxa Dacar-budhuq, waxana ay halkaas ku arkeen masuuliyiinta hawsha dhismaha gacanta ku haya iyo shaqaalaha oo hawl-maalmeedkooda ku guda jira.

Qaar kamid ah Injineerrada ajaanibka ah ee dhismaha buundada gacanta ku haya oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa caddeeyey inay hawsha dhismaha biriijyadu si habsami leh ugu socoto, dedaal badanna ugu jiraan sidii ay u dhammaystiri lahaayeen.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer iyo indho-indhayn uu ku sameeyey dhismaha buundada weyn ee dooxa Dacar-budhuq kaddib, waxa uu ammaan iyo bogaadin u jeediyey madaxda iyo shaqaalaha kala duwan ee gacanta ku haya Biriijyada iyo guud ahaanba waddada weyn ee Berbera corridor, isaga oo guul weyn ku tilmaamay in waddadii Berbera Corridor iyo dhismihii buundooyinka isu socodka shacabka muhiimka u ahaaba heer wanaagsan marayaan,

waxana uu yidhi,“Waa wax lagu farxo in maanta ay Biriijyadii halkan marayaan oo haddii Alle yidhaahdo sannadkan Aakhirkiisa Biriijyada kuwa ugu waaweyni ay dhammaan doonaan, xisbiga KULMIYE in badan buu ummadda u ballan qaaday inuu waddooyinka wax ka qaban doono kolba taagtiisa iyo ciddii uu la kaashadaba.”

Buundada weyn ee dhismihiisu ka socdo dooxa Dacar-budhuq, ayaa dhererkiisu dhan yahay 105M (Boqol iyo shan mitir), waxana uu kamid yahay biriijyada ugu muhiimsan ee la filayo in dhismihiisa ay ku badbaadi doonaan shacab badani, maadaama ay haatan biyaha dooxaas mara dad badani naftooda ku waayeen.

Offiice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post