546 Views

Diiwaangelinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha oo Maalintii Saddexaad ka socoto muqdisho.

Diiwaangelinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha oo Maalintii Saddexaad ka socoto muqdisho.
____________________________________________________________________________


Talaado: May 10, 2022

Waxaa goor dhawayd xaafada islii soo gaaray Musharax madaxweyne ee Dalka kenya Raila Odinga oo uu Wehliyo Xildhibaanka laga soo doorto Degmada kaamakuuji ee Xaafada islii Yuusuf Xasan.

Raila Odinga ayaa Boqolaal dadweyne ah kula hadlay xaafada islii gaar ahaan 12-ka Streat, Xili ay soo dhawdahay Doorashada dalka Kenya oo naga xigto 2 bil oo kaliya.

Raila Odinga ayaa shacabka soomaaliyeed ee Dagan xaafada islii iyo magaalooyinka kale ee Kenya ka codsaday in ay siiyaan Codkooda, Doorashada lagu wado in ay ka dhacdo dalkaan Agostada soo socoto.

Sidoo kale Yuusuf Xasan iyo Raila Odinga ayaa kala hadlay dadka gaariga Dushiisa, taasi oo muujinaysa in Canpain Xoogan oo ku aadan ololaha Doorashada uu ka socdo dalka Kenya.

Madaxweynaha talada haya haatan ee Dalka Kenya Uhuru kenyata ayaa Gadaal ka Xiiraxo Musharax Madaxweyne Raila Odinga, asaga oo raba in uu saaxafada siyaasada ka saaro Madaxweyne ku-xigeenkiisa Wilyam Rutu oo  Mudooyinkii la soo dhaafay aysan lahayn wada shaqayn Toos ah.

Raila Odinga ayaa u balan qaaday Somalida Hadii la Doorto in uu ula shaqayn doono si dhaw, gaar ahaan ay xor u Noqon doonaan Ganacsigooda.

Abdihakim Elmi Hassan

Nairobi kenya

Cabdixakiin441@hotmail.com

Tell+254-711830393

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post