1110 Views

Hay’adaha Garsoorka oo ku dhawaaqey inay Shaqooyinka hakinayaan

Hay’adaha Garsoorka oo ku dhawaaqey inay Shaqooyinka hakinayaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 19, 2020 —Bahda Hay’adaha Garsoorka dalka ayaa waxaa ay Maanta ku dhawaaqeen inay si ku meel gaar ah u joojinayaan howlihii Cadaaladda si looga taxadaro Caabuqa COVID 19.

 

Laga billaabo 21 bishan muddo 15 Cisho Cisho ah ayay ku dhawaaqeen la hakin doono isu imaatinka dadweynaha dacwadaha iyo xukunada ay ridaan Maxkamada dalka.

 

 

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa sheegay in laanta Garsoorka ay ka mid tahay hey’adaha marti geliya dadka ugu badan ee dacwadaha loo kala qaado,iyada oo laga taxadirayo cudurka COVID 19 Shaqooyinka la hakiyey.

 

Waxaa uu Guddoomiyaha farey dhamaan Garoosrayaasha dalka inay hakiyaan dhamaan dacwadaha mudeysan iyo qabashada dacwadaha Cusub iyo racfaanada laga qaato xukunada ay fuliyeen Maxkamadaha dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment