1245 Views

Axmed Madoobe “Waxaan walaac ka qabnaa in Muqdisho nooga yimaadaan falal lid ku ah amniga Kismaayo”

Axmed Madoobe “Waxaan walaac ka qabnaa in Muqdisho nooga yimaadaan falal lid ku ah amniga Kismaayo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 02, 2019 – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inuu walaac ka qabo falal lidi ku ah dhinaca ammaanka Kismaayo oo laga soo abaabulayo magalaada Muqdisho.

 

Axmed Madoobe oo maanta duhurkii Shir Jaraa’id ku qabtay Kismaayo, kaddib markii uu ka soo laabtay safar uu maalmahan ku joogay Nairobi  ayuu sheegay inuu ka digayo dad abaabulayay qul qulatooyinka dhinaca Amniga ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, isagoo sheegay in cida falalkaas soo abaabusha ay qaadeyso mas’uuliyadeeda.

 

“Waxaan aad walaac uga qabaa, Muqdisho in mar walba waxyaabo caqabaad ku ah amniga ay ka soo yeeraan, wixii ka dhaca ee mas’uuliyad darro ah ee dhib ah ee dadkan soo gaara cid unbaa mas’uuliyadeeda qaadeyso, waan ka digayaa” ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale soo hadal qaaday shirka todobaadka soo socda Garowe ku yeelanayaan madaxda ugu sareysa ee dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada, kaasoo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland.

 

Waxa uu sheegay in ashirka Garowe diirada lagu saari doono arrimo ay ka mid tahay sidii loogu dhaqmi lahaa waxyaabaha ku qoran dastuurka, isagoo  tilmaamay in shirkan la koobay mas’uuliyiinta ka qeybgaleysa.

 

“Waxaan rajeynayaa shirka Garowe ee aan tagi doono iney ka soo bixi doonaan wax dhab ah oo shirkaas uu uga duwanaan doono shirarkii hore waayo waa la koobay mas’uuliyiinta, arrimo badan oo jirana wadanka hadaan la helin heshiis Siyaasadeed oo waxyaabaha qaarkood lagu gaaro xataa Dastuurka dhameystirkiisa wuu iska adkaanayaa” ayuu yiri Axmed Madoobe.

 

Hadalka Axmed Madoobe ayaa laga dareemayay inuu burburay heshiis horay u dhex maray isaga iyo dowladda Federaalka, kaasoo uu ka soo shaqeeyay Sii Hayaha Agaasimaha NISA, waxaana si loo dhaqan geliyo heshiiskaas magaalada Kismaayo safar ku tagay Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wafdi Wasiiro, waxaana todobaadyo kaddib safar kaa la mid ah Muqdisho ku tagay Axmed Madoobe.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment