1581 Views

Kulan Lagu Soo Bandhigayey Natiijada Cilmi-baaris ay sameeyaan macalimiin khuburo ah oo ka tirsan Jaamacadda SIMAD

Kulan Lagu Soo Bandhigayey Natiijada Cilmi-baaris ay sameeyaan macalimiin khuburo ah oo ka tirsan Jaamacadda SIMAD
____________________________________________________________________________

June 17 2021

Waxaa  hoolka Primo Palace lagu qabtay kulan lagu soo bandhigayey natiijada cilmibaris ay sameeyaan macalimiin khuburo ah oo ka tirsan Jaamacadda SIMAD. Waxaana kulanka soo agaasimay Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta Jaamacadda SIMAD.

Cilmi baaristan lasoo bandhigay ayaa cinwaankeedu ahaa “Qiimaynta Saameynta Adeegga Lacagaha Mobilada ay ku leedahay Shirkadaha yar-yar iyo kuwa dhexdhexaadka ah”.  Daraasadan ayaa si gaar ah diiradda u saareysay adeegga lacagaha moobeelka ee EVC-Plus oo ay bixiso shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom.

Ustad Cabdinur Cali Maxamed oo hogaaminayey daraasaddan, ahna barre iyo cilmi-baarse sarre oo ka tirsan Kulliyadda Dhaqaalaha Jaamacadda SIMAD ayaa soo jeedinayey natiijada cilmibaarista ay sameeyeen.

Ugu horayn waxaa munaasabadda si rasmi ah u furay Guddoomiye Ku xigeenka Jaamacadda dhanka Waxbarashada, Eng. Maxamed Maxamuud Maxamed. Eng. Maxamed ayaa ugu horeyn soo dhaweeyey dhamaan kasoo qeybgalayaasha kulanka, waxa uuna aad ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay sameynta cilmi-baarisyo, gaar ahaan cilmi-baarisyada la xariira dalka.

Sidoo kale waxaa madasha furitaanka barnaamijka qudbad ka jeediyey Ustaad Cabdisalaam Yuusuf Cabdi oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmi-baarista iyo Horumarinta Jaamacadda. Ustad Cabdisalam ayaa ka dhawaajiyey in Jaamacadda SIMAD ay marwaliba ka go’antahay sidii ay sare ugu qaadi  sameynta cilmi-baaris, gaar ahaan kuwa la xariira arimaha ganacsiga, wax-soo-saarka iyo Teknooloojiyadda.

Intaas ka dib, Ustaad Cabdinuur Cali Maxamed ayaa ka hadlay Adeegyada lacagaha moobilada iyo saameynta ay ku leeyihiin shirkaddaha yar-yar iyo kuwa dhex-dhexaadka ah. Sidoo kale waxaa uu la wadaagay kasoo qeybgalayaasha muhiimadda daraasadda iyo waxay ay micno ahaan ka dhigantahay waxyaabaha ay heshay daraasadda.

Gunaanadkii munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeybgalayaasha barnaamijka la siiyey fursado ay su’aalo ku weydiinayeen soo jeediyaha cilmi-baarista, Ustad Cabdinuur Cali.

Barnaamijkaan cilmi baarista lagu soo jeedinaayey ayaa ahaa kuwa aad ugu cusub bulshada, sidoo kalena dadyow fara badan oo isugu jira arday, ganacsato, macalimiin iyo cilmi-baarayaal da’yar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post