813 Views

Baaq kasoo baxay ciyaaryahanka caanka ah ee Ingiriiska Marcus Rashford oo durba ay dadka ka jawaabeen

Baaq kasoo baxay ciyaaryahanka caanka ah ee Ingiriiska Marcus Rashford oo durba ay dadka ka jawaabeen
____________________________________________________________________________

Baaq kasoo baxay ciyaaryahanka caanka ah ee Ingiriiska Marcus Rashford ayaa waxaa durba biloowday in ay dadka ka jawaabaan.

Ciyaaryahanka ayaan ku baaqay in beeralayda xoolo dhaqatada ah ay ku yaboohaan neef ari ah midkiiba, si xoolahaas loogu deeqo dadka beeralayda ah ee waxyeelada dhaqaale ay kasoo gaartay safmarka Karona.

Qof kasta oo beeralay ah ayaa suuqa geynaya neef ari cad ah ama wan, iyada oo lacagta kasoo baxda loogu deeqayo dadka tabaalaysan.

Mr Iwan Pughe Johnes ayaa ka mid ahaa dadka ka jawaabay baaqa ciyaaryahanka, wuxuu shir ay beeralayda lahaayeen ka sheegay fikradda arri bixinta.

Fikradda Rashford ayaa ahayd in aysan jirin ilmo cunto la’aan ay ku dhacdo inta iskuulaadka xiranyihiin.

“Marka ay jiraan xilliyada xun, waxaan leenahay taariikh facweyn oo ah in aan isu nimaadno, kadibna is kaashano si aan u caawino dadka liita” ayuu yiri Mr. Iwan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post