273 Views
____________________________________________________________________________

Sabti: Febraayo 2023

 

Eedeymo la xiriiray isku day kufsi iyo weerar ayaa laga dhaafay ciyaaryahanka u ciyaara Manchester United ee Mason Green wood.

Ninkan 21 jirka ah ayaa la xiray bishii January ee sanadkii hore iyadoo ay jireen sidoo kale muuqaalo iyo sawiro Iyana ku soo baxay baraha bulshda .

Markii dambe waxaa lagu eedeeyey isku day kufsi , dabeecad awood sheegasho iyo weerarid .

Adeegga Dacwad oogidda ayaa sheegay in eedeymihii loo heystay laga noqday ka dib markii marqaatiyadii ay ka baxeen marqaati furka .Afhayeen ayaa sheegay “ Waxaa waajib naga saaran yahay in mar walba kiiska isha ku hayno”

“Kiiskan waxaa isu raacay marqaatiyaashii oo marag furka ka baxay iyo waxyaabo cusub oo la ogaaday markaa ma jirto rajo laga qabi karo in lagu helo dambiga. Xaaladdahan ayaa keenay in ay waajib nagu noqoto in aan kiiska Joojino” ayuu sii raaciyey .

Sidoo kale waxaa uu yiri “Go’aankeena waxaan u sharraxnay dhammaan cidda ay quseyso “

“Waxaan mar walba dhiirigalin doonaa in dhibaaneyaasha muhiimka ah in ay soo baxaan oo ay boliiska u warramaaan ..innaguna waxaan ku maxkamadeyn doonaa meel kasta oo gacanteenu gaartO “ ayuu hadana yiri afhayeenka .

Tan iyo markii eedeymuhu soo baxeen oo baraha bulshada lagu arkay bilowgii 2022 , ninkan weerarka uga ciyaara Manchester United , hal marna u ciyaaray Xulka England waxaa laga joojiyey in uu u ciyaaro ama u tababar ku qaato agaroonka Old Trafford .

Naadiga ayey BBCdu weydiisay in ay ka hadlaan .

Boliiska magaalada Manchester ayaa sheegay in ay aheyd waxa ay ugu yeereen wax uun cadaalad ahaa in la shaaciyo in Greenwood aanu mar kale mari doonin hanaanka dambiyada

Michaela Kerr oo boliiska ka tirsan ayaa sheegay in go’aanku aanu aheyn sida uu yiri mid si fudud loo qaatay

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post