1137 Views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Magalada Cadaado

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Magalada Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 08, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhulka uga soo baxay magaalada Madaxda Dowlad gobaleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa gaaray degmada Cadaado ee gobalka Galguduud

 

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruha hoggaaminayo ayaa waxaa cadaado kusoo dhaweeyay Wasiirro, xildhibaanno mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

 

Waa markii labaad uu Ra’iisul Wasaare Kheyre tago Magalada Cadaado tan iyo markii uu tegay deegaanada Galmudug,waxaana la sheegay in uu halkaasi u tegay xalinta tabashada ay qabaan dadka ku nool Magalada Cadaado.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay Magalada Cadaado waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Odayaasha & waxgaradka Cadaado, isaga oo kala hadli doona tabashda ay qabaan iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan.

 

Sidoo kale wararka qaar ee soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre uu dhawaan tegi doono Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,isla markaana uu la kulmi doono Odayaasha & waxgaradka Gaalkacyo

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment