1395 Views

Amiirka Qatar Al Thani oo booqday Sacuudi Carabiya markii ugu horeysay tan iyo markii la heshiiyay.

Amiirka Qatar Al Thani oo booqday Sacuudi Carabiya markii ugu horeysay tan iyo markii la heshiiyay.
____________________________________________________________________________

May 11, 2021

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa booqday Sacuudi Carabiya markii ugu horeysay tan iyo markii la saxiixay bayaan ay la galeen boqortooyada iyo dowladaha kale ee Khaliijka si loo yareeyo khilaafka sanadaha badan soo jiitamayay.

Sheikh Tamim waxaa Isniintii ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada ku taal Badda Cas ee Jeddah, dhaxal sugaha Sucuudiga Mohammed bin Salman (oo badanaa loo yaqaan MBS).

Labada hoggaamiye ayaa ka dib wadahadal ay ku yeeshay qasriga al-Salam, waxa ay kaga doodeen xiriirka labada dal iyo “sida lagu horumarin karo dhinacyo kala duwan”, iyo sidoo kale horumarka gobolka iyo kuwa caalamiga ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Qatar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post