843 Views

Israel oo mar kale duqaysay Magaalada Gaza kaddib Heshiis bishii hore la gaaray

Israel oo mar kale duqaysay Magaalada  Gaza kaddib Heshiis bishii  hore la gaaray
____________________________________________________________________________

June 16 2021

Israel ayaa sheegtay inay bilowday duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada Xamaas ee marinka Gaza, ka dib markii buufimoyoyin qarax sameeyaa kaga yimaaddeen dhanka Gaza.

Qaraxyo ayaa laga maqlay magaalada Gaza salaaddii hore ee maanta.

Dhowr buufimooyin oo qarxaya ayaa ka yimi Gaza oo laga arkay Israel gelinkii hore ee Talaadada, taas oo sababtay dab badan oo kacay, sida ay sheegtay waaxda dab damiska ee Israel.

Waa markii ugu horreysay ee uu dagaal qarxo tan iyo 11 maalmood oo dagaal u dhexeeyay labada dhinac uu ku dhammaaday xabad joojin 21-kii May.

Waxay daba socotaa hawlgalkii ay wadaniyiinta Yuhuuddu ku qaadeen Bariga Qudus Talaadadii, taas oo keentay hanjabaado uga yimid Xamaas, kooxda maamusha Gaza.

Bayaan ay soo saareen ciidammada difaaca Israel ee loo yaqaan IDF waxay ku sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen xeryo militari oo ay maamulaan Xamaas oo ku yaala Khan Yunis iyo Gaza .

Waxay sheegeen in “falal argagixiso” ay ka dheceen goobahaas, iyo in IDF “loo diyaariyey wax kasta oo dhici kara sidii ay uu wajahi lahaayeen, oo ay ku jiraan dib u soo noqoshada dagaallada, iyadoo ay jiraan falal argagixiso oo ka socda Marinka Gaza”.

Weli ma cadda in duqeymaha cirka ay waxyeello geysteen.

Weriyaha BBC-da ee Rushdi Abualouf oo ku sugan Gaza ayaa muuqaal la wadaagtay baraha bulshada, iyadoo sheegaysa in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil laga maqli karo dhulka.

Adeegga dab-damiska ee Israa’iil ayaa sheegay in buufinnada ololaya ee goor hore laga bilaabay Qaza ay sababeen ugu yaraan 20 dab-damis oo ku yaal beero ay leeyihiin bulshooyinka ku nool koonfurta Israel.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post