156 Views

Madaxweynaha waddanka Ukraine Volodymyr Zelensky, oo madaxda golaha iyo guddiga Midowga Yurub kula kulmayaa magaalada Kyiv

Madaxweynaha waddanka Ukraine Volodymyr Zelensky, oo  madaxda golaha iyo guddiga Midowga Yurub kula kulmayaa magaalada Kyiv
____________________________________________________________________________

 

 

Sabti: Febraayo 2023

Madaxweynaha waddanka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa madaxda golaha iyo guddiga Midowga Yurub, waxa uu kula kulmayaa magaalada Kyiv, xilli uu isku dayayo in la dardargeliyo codsigiisa uu ku doonayo in dalkiisa uu ugu biiro midowgaasi.

Shirkan uu la leeyahay Charles Michel iyo Ursula von der Leyen, ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee ay dhinacyadu yeeshaan tan iyo markii bishii June, markaas oo waddanka Ukraine la gaarsiiyay heerka ah inay si rasmi ah ugu sharraxan yihiin inay ku biiraan Midowga Yurub.

Mr Zelensky ayaa doonaya in wadahadallada lagu aqbalayo dalkiisa ay bilowdaan sannadkan.

Hasayeeshee saraakiisha Midowga Yurub ayaa hoos u dhigay middaasi, waxaase suuragal ah inay u bandhigaan in badeecadaha ay Ukraine soo saarto ay galaangal wanaagsan u yeeshaan suuqa Midowgaasi.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay cassimada Kyiv isaga oo ay wehlinayso Madaxweynaha guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayuu Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ku booriyay Brussels inay cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogto Ruushka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post