606 Views

Sareeye Guuto Tefera Mamo abaanduulaha ciidamada Amxaarada Dagaalka TPLF

Sareeye Guuto Tefera Mamo abaanduulaha ciidamada  Amxaarada Dagaalka TPLF
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 22 2021

Sareeye Guuto Tefera Mamo ayaa loo magacaabay abaanduulaha ciidamada gaarka ah ee deegaanka Amxaarada. Xilkan ayaa waxaa maalmo ka hor u magacaabay madaxwayanaha gobolka Amxaarada, Agenehu Teshager,.

Warbaahinta ismaamulka Amxaarada ayaa sheegtay in saraakiil kale iyaguna loo magacaabay inay hogaamiyaan laamaha amaanka ee gobolkaasi.

Sareeye Guuto Tefera Mamo Tefera Mamo ayaa waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha ciidamada militariga Itoobiya ka hor intii aysan xabsiga u taxaabin TPLF oo ku eedeeysay inuu isku dayay in uu afgembi xukunka kaga tuuro ra’iisul wasaarihii geeriyooday ee Meles Zenawi.

Jananka ayaa xabsiga laga siidaaya ka dib markii uu xukunka la wareegay Abiy Axmed, waxaana loo magacaabay in uu hogaamiyo laamaha ammaanka gobolka Amxaarada, balse xilkaasi ma noqon mid muddo dheer uu si hayo.

Sareeye Guuto Tefera Mamo ayaa laga qaaday xilkaasi, waxaana mar kale la dhigay xabsiga ka dib markii la dilay madaxwaynihii gobolka Amxaarada, Ambachew Mekonen iyo labo sagaal oo sarsare bishii June 2019.

Dadka ka ololeeya baraha bulshada ayaa muddooyiinkii dambe ku cadaadinayay dowladda ismaamulka Amxaarada in Tefera Mamo loo magacaabo hogaaminta ciidamada gaarka ah ee gobolkaas.

Waxay arrintan ka dambeysay ka dib markii jabhadda TPLF ay shaacisay in ay duulaan ku yihiin gobolka Amxaarada.

Gulufka ka dhanka ah TPLF

Jabhadda TPLF ayaa tan iyo intii ay la wareegeen magaalada Mekelle waxay sheegeen inay dagaalka sii wadi doonaan. Meelaha ay dagaalkooda ku soo ballaariyeen ayaa waxaa ka mid ah gobolka Canfarta.

Taliyaha guud ee militariga Itoobiya ayaa maalmo ka hor sheegay inay diyaar u yihiin in mar kale ay dagal ku qaadaan gobolka Tigrey, isla markaana ay sugayaan oo keliya amarka madaxda ka sareysa.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed, ayaa horrey ugu baaqay ismaamul goleedyada ka jira Itoobiya in ay diyaariyaan ciidamo qeyb ka noqda dagaalka looga hortagayo xoogagga TPLF.

Deegaanka Soomaalida ayaa ka mid ah deegaanada ka jawaabay baaqa rai’sul wasaaraha waxa ayna halkaasi u direen qaar ka mid ah ciidamada gaarka ee deegaanka Soomaalida ee Liyuu booliiska loo yaqaano.

Dabayaaqadii bishii June ayay ahayd markii ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabbad-joojin isla markaana ciidamadeed ay kala soo baxday gobolka Tigrey.

Jabhadda TPLF ayaa dhankooda shuruudo ku xiray xabbad-joojin ay la gaaraan dowladda dhexe.

Dhinacyadda ku dagaalamay gobolka Tigrey ayaa waxaa ay hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ku eedeeyeen in xadgudubyo ay ka geysteen gobolkaas.

Dagaalka gobolka Tigrey oo billowday 8 bilood ka hor ayaa waxaa ka dhashay barakac ballaaran. Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya in kumannan qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post