582 Views

Guddiga gurmadka Koonfur Galbeed ee Gaaray Gaalkacyo oo sheegay in dadka lagu qaadi Doono Diyaarado..

Guddiga gurmadka Koonfur Galbeed  ee Gaaray Gaalkacyo oo sheegay in dadka lagu qaadi Doono Diyaarado..
____________________________________________________________________________

Sabti: October 9, 2021

Guddiga gurmadka Koonfur Galbeed  u xilsaartey  dhibaatadii loo geystey dadkii laga soo barakiciyey Magaalada Laascaanood ayaa xalay kulan la qaatey Maamulka Gobolka Mudug, Kan degmada Galkacyo iyo Wasiiro ka tirsan maamulka Puntland.

Waxa ay sidoo kale la kulmeen guddiga heer dowlad goboleed ee Puntland ee u xil saran caawinta dadkaasi.

Guddiga ka socdey Koonfur Galbeed ayaa Warbixin guud ka dhageystey madaxdii ay kulanka la qaateen, iyagoo dhankooda uga warbixiyey ujeedada safarkooda iyo muhiimada ay leedahay in labada maamul ay si wadajir ah uga shaqeeyaan samatabixinta dadkan lasoo barakiciyey.

Guddiga ayaa qorsheynaya in berri ay booqdaan goobaha dadkan ay sida kumeel gaarka ah ay ugu nool yihiin, iyadoo ay jiri doonaan duulimaadyo toos ah oo dadka doonaya in ay laabtaan lagu keeni doono deegaanada Koonfur Galbeed.

Xubnaha guddiga ayaa sheegay in dadka aan awoodin in gawaarida ay soo raacaan in lagu soo qaadi dooono diyaarado.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post