678 Views

Ciidanka Booliiska Gobolka Bari oo xalay hawlgal lagu sugayay Amniga ka sameeyay

Ciidanka Booliiska Gobolka Bari oo  xalay hawlgal lagu sugayay Amniga ka sameeyay
____________________________________________________________________________

Axad: August 15, 2021

Ciidanka Booliiska Gobolka Bari, ayaa xalay hawlgal lagu sugayay Amniga ka sameeyay magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.

Hawlgalkaas intii uu socday, waxay ciidanku baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga,Huteelada iyo guryaha sidoo kale ee dadweynaha, si loo xaqiijiyo Amniga magaalada.

Taliyaha Qaybta Boolisla Gobalka Bari G/Sare, Xuseen Cali Maxamud ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay dad la tuhmay, kuwaas oo haatan lagu hayo saldhigyada Booliska, si baaritaan loogu sameeyo.

G/sare Xuseen Cali Maxamud, ayaa sidoo kale shacabka Boosaaso uga mahad-celiyay sida ay Ciidanka uga gacan-siiyaan sugidda iyo adkaynta Amniga magaalada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post