51 Views

Banaanbax Lagu Taageerayo Dhameystirka Dastuurka oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Banaanbax Lagu Taageerayo Dhameystirka Dastuurka oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa manta ka dhacay banaanbax ballaaran oo lagu taageerayay dhameystirka dastuurka dalka, kaas ooh adda sugaya in la ansixiyo afarta cutub ee ugu horeysa, banaanbaxaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin kaleduwan oo dowladda katirsan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda federalka ayaa qeyb ayaa Shacabka Gobolka Banaadir ee Caasimadda Muqdisho kala qeyb-galay Banaanbaxa oo ka dhacay taallada Dakirka Daahsoon.

Shacabka oo watay boorar ay ku xar-dhan yihiin in la dhameystiro Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu baaqeen in ay Ansixiyaan Dhameystirka Dastuurka. Iyagoona Madaxwaynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ku taageeray ka dhabeynta balan-qaadkiisa ahaa in uu dhameystirayo Dastuurka dalka.

Xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, xubno ka tirsan Hormuudka Haweenka, Dhalinyaradda iyo Culumada, oo halkaasi kula hadlay kumanaanka shacab ee isugu yimid barxada Taalada Daljirka Dahsoon, ayaa codkooda ku biiriyay taageerada Dhameystir Dastuurka, Isla markaana kuwa diidan ugu baaqay in ay ka hor leexdaan masiirka Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in dhameystirka Dastuurka uu yahay mid muqadis ah, si loo helo xuquuqda ka maqan kumanaanka shacab ee ku nool Gobolka Banaadir, isla markaana loo cadeeyo Maqaamka Caasimadda Muqdisho, Asigoona ugu baaqay xubnaha xildhibaanada labada Aqal in ay Ansixiyaan dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post