1284 Views

Maamulka Dagmada Gaalkacyo oo wada dadaallo sare loogu qaadayo Bilicda magaalada

Maamulka Dagmada Gaalkacyo oo wada dadaallo sare loogu qaadayo Bilicda magaalada
____________________________________________________________________________


Isniin: December 27, 2021

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdirahman Sheekh Xasan ayaa  daahfuray markii u horeysay  Shirkad ka shaqeyn doonta Nadaafada iyo Bilic soo celinta magaalada Gaalkacyo,.isla markaana lagu magaacaabo  Bad baado  noqan doontana sida uu sheegay maamulka dagmada shirkad ka shaqeeysa nadaafadda iyo bilic soo celinta Magaalada taas oo qeyb ka ah xoojinta ilaalinta nadaafadda iyo faya dhowrka caafimaadka bulshada.

Daahfurka Munaasabadaan ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, Xubno ka socday Ururada Dhallinyarada iyo Haweenka Degmada Gaalkacyo.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay qaar ka mida howlwadeennada kambaniga Bad baado ee loo igmaday ka shaqeynta Nadaafada Gaalkacyo, kuwaas oo xusay in ay dowlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo kala shaqeyn doonaan nadaafadda iyo bilicda Gaalkacyo, iyagoo ka codsaday shacabka in shaqaalaha howshaasi fulinaya  ay la shaqeeyaan si loo wada ilaaliya nadaafadda iyo bilicda guud ahaan magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug.

Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in Shirkadda Nadaafada iyo Bilic soo celinta ee bad baado ay wax ka qaban doonto Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Gaalkacyo isla markaana Maamulka Degmadu ku gacan siin doono dududeynta Howshan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post