2034 Views

AKHRISO: Guddoomiye Yariisow “Waa in qof walba amni ku helaa gurigiisa “

AKHRISO: Guddoomiye Yariisow “Waa in qof walba amni ku helaa gurigiisa “
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 08, 2018 – Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in maamulkiisu uu si istaraatiijiyad ah ku wajahay amniga Caasimadda, iyadoo 17ka degmo ee G/Banaadir laga hirgeliyey wadashaqaynta laamaha ammaanka iyo maamulka.

Guddoomiya Yarisow ayaa xusay in ciidamada looga fadhiyo inay ka hortagaan falalka lidiga ku ah amaanka, gaar ahaana kuwa dhibaatada u maleegaya shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka hadlayay kormeer dhiirigelin ah oo ay si wadajir ah ugu sameeyeen xarunta Ciidamadda Xasillinta Caasimadda, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Saraakiisha Ciidamadda iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in kalsooni laga kasbado shacabka ku nool goobaha howlgallada laga fulinayo, maadaama ay iyagu yihiin cidda loo adeegayo, isla markaana laga fogaado wax walba oo dhaawacaya wadashaqaynta ciidamadda iyo shacabka, lana dhowro Xuquuqal Insaanka.

“Caasimaddu si ay ula tartanto adduunka waxay u baahan tahay amni iyo xasillooni, amnigaas in ay keento waxa looga fadhinayana waa idinka hortayda taagan. Waxaana idiin-kaga mahadcelinayaa howllaha baxaadda leh ee aad ka qabateen amniga Muqdisho, welina waa inaad ogaataan cadowgu inuu dhibaato u maleegayo nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Duqa Caasimadda.

Mudane Eng. Yarisow ayaa kula dardaarmay ciidamadda in kor loo sii qaado sugida amniga Caasimadda, shacabka Soomaaliyeedna ay helaan ammaan buuxa si noloshu caadi ugu socoto waqtiyada lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan. “Waa in qof walba amni ku helaa gurigiisa kalsoonina ku noolaado, si aad taasi u suurtagelisaana anaguna waxaan nahay garbihiina”.

.

W/Q:- Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment