393 Views

Ciidamada Booliska degmada Heliwaa oo saaka howlgal ka sameeyey oo gacanta kusoo dhigay burcad hubeysan.

Ciidamada Booliska degmada Heliwaa oo saaka howlgal ka sameeyey oo  gacanta kusoo dhigay burcad hubeysan.
____________________________________________________________________________

Isniin: July 18, 2022

Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Heliwaa oo saaka howlgal ka sameeyey xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmadaasi ayaa gacanta kusoo dhigay burcad hubeysan.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay afar nin oo hubeysan, xilli ay dhac u geysanayeen shacabka, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka.

Sidoo kale raggaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo sii gudbiyey xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da, halkaas oo lagu xiray.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ayaa kordhiyey howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda Muqdisho, waxaana lagu soo qabtay burcad iyo kooxo ciyaal weero ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post