1074 Views

Waqtiga uu furmayo shirka dib u heshiisinta Galmudug oo lagu dhawaaqay

Waqtiga uu furmayo shirka dib u heshiisinta Galmudug oo lagu dhawaaqay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 02, 2019 —Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa shaaciyay 4-da Bishaan oo ku beegan Maalinta Arbacadaha ah ee todobaadkaan uu furmi doono shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

 

Wasiirka oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhamaan ergadii & Waxgaradkii ka qeybgeli-lahaayeen shirkaas ay ku sugan yihiin Dhuusamareeb, isla markaana Wasaaradda dhankeeda ay diyaarisay waxyaabihii loo baahnaa.

 

Shalay ayaa waxaa Dhuusamareeb lagu soo dhaweeyay ergadii daka Magalada Cadaado ku meteli laheyd Shirka dib u heshiisiinta,kuwaas oo laga qaaday Muqdisho, kadib markii Waxgaradka Cadaado ay diideen ka qeyb-galka Shirka,.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment