969 Views

Ciidamada Galmudug oo howlgallo ka ka sameeyay xaafadaha Gaalkacyo dhinaca Galmudug

Ciidamada  Galmudug oo  howlgallo ka   ka sameeyay xaafadaha Gaalkacyo dhinaca Galmudug
____________________________________________________________________________

 Arbaco: August 25, 202

Ciidamada Booliska Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa howlgallo kala duwan oo Amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ku baarayaeen Gaadiidka iyo Guryaha qaar, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga maadaama doorasho ay halkaasi ka dhaceyso.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu qabqabtay dad lagu tuhmayo inay kamid yihiin kuwa falalka Amni darro ka geysta Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen saraakiisha in howlgallada ay sii wadi doonaa ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga Magaalada Gaalkacyo oo dhowr jeer weeraro iyo dilal ay ka dhaceen.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post