978 Views

Qarax uu ku dhintay Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadde degmada Dayniile oo goor dhawayd ka dhacay Muqdisho

Qarax uu ku dhintay Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadde degmada Dayniile oo goor dhawayd ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

April 20-2021

 Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd uu ka dhacay Qarax aad u xoogan wadada Daarulsalaam ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiri dhimashi iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan lala bartilmaameedsaday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadde ee maamulka degmada Dayniile, Cabdi Maxamed Maxamuud.

Waxaa la sheegay in uu daqiiqado kadib u dhintay dhaawicii Cuslaa ee ka soo gaaray halkaas, Markii la geeyay ispitaalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay jirto dhimasho ka dhalatay qaraxan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amnmaanka Soomaaliya.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha Qaraxaas

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post