1392 Views

Koox burcad ah jabsatay lana wareegtay website-ka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Koox burcad ah jabsatay lana  wareegtay website-ka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________


khamiis: September 23, 2021

 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya in Koox burcad ah ayjabsatay oo la wareegtay website-ka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ee moci.gov.so.

Warkaan oo aysan wali shaacin wasaaradda ayaa waxay soo baxayeen saacadihii la soo dhaafay.

Kooxda qabsatay website-ka ayaa ku qoray luuqado isugu jira Tukish iyo English, iyo farriin ah “ma jiro system ammaan ah.”

Ma jiraan illaa hadda wax dalabyo ah oo kooxda ay soo jeediyeen oo la xiriira arrintan, ayada oo lagu yaqaan inta badan kooxaha jabsaday website-yada inay dalbadaan lacago.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post