783 Views

Maamulka Trump oo billaabay in ciidamada Soomaaliya ka joogo la daadgureeyo

Maamulka Trump oo billaabay in ciidamada Soomaaliya ka joogo la daadgureeyo
____________________________________________________________________________

Sida laga soo xigtay Pentagon-ka, Markabka qeyrul caadiga ah ee USS Hershel “Woody” Williams ee uu Mareykanka leeyahay ayaa wuxuu “hawlgallo ka wadaa xeebaha Soomaaliya” si “dib u meelayn loogu sameeyo milatariga Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan.

Milatarigan ayaa geyn doonaa meelo kale oo ka tirsan Bariga Afrika,” afhayeenka AFRICOM Kelly Cahalan ayaa sidaasi VOA ugu farriin dhanka email-ka ah. Howlgalkan ayaa loogu magac daray Howlgalka Octave Quartz.

Markabka oo kudhowaad dheerarkisu gaaraya 244 mitir, oo uu fadhigiisu yahay Souda Bay, Crete, ayaa taageeri kara howlo kaladuwan oo ku saleysan badda, oo ay kujirto taageerida xoogaga howlaha gaarka ah iyo taageerada bini’aadanimo, sida ay sheegeen Ciidanka Badda.

Amarka Trump ayaa qayb ka ah dadaal lagu doonayo in lagu soo saaro ciidamada Mareykanka ee ka hawl gala adduunka, oo ay ku jiraan Afghanistan iyo Iraq, ka hor inta uusan xafiiska ka tagin 20-ka bisha Janaayo iyo sannadka 2021-ka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post