351 Views

Maxkamad dalbatay in Telefishiinka toos looga baahiyo dilka lagu fulinayo nin haweeney dilay

Maxkamad dalbatay in Telefishiinka toos looga baahiyo dilka lagu fulinayo nin haweeney dilay
____________________________________________________________________________

Isniin: July 25, 2022

Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa ku baaqday in sharciga wax laga baddalo si loo oggolaado tabin toos in looga baahiyo dilka lagu fulinayo nin dilay gabar arday ah.

Shacabka Masar ayaa ka argagaxay muuqaal bishii hore la baahiyey oo muujinaya Maxammad Adel oo middi la dhacaya Nayera Ashraf ilaa ay ka dhimatay.

Maxkamadda xukunka dilka ku ridday wiilkan 22 jirka ee loo haysto dilka gabadha ardayadda ah ayaa baarlamaanka u qortay warqad rasmi ah oo ay ku codsaneyso in sharciga wax laga baddalo si dilka ninkaasi lagu fulinayo warbaahinta si toos ah looga sii daayo.

Dalka Masar ayaan warbaahinta toos looga baahin xukunnada dilalka ee dadka lagu fuliyo, iyada oo inta badan dadka dilka ku xukuman xabsiyada dhexdooda lagu daldalo.

Daraasad ay 2015-kii sameysay Qaramada Midoobay waxay sheegtay ku dhawaad 8 malyan oo haween ah iney la kulmaan tacaddiyo dhanka jinsiga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post