522 Views

Al-Qaacidda oo aan weli ka hadlin dilkii Ayman-Al-Zawahiri

Al-Qaacidda oo aan weli ka hadlin dilkii Ayman-Al-Zawahiri
____________________________________________________________________________

Arbaco: august 3, 2022

Kooxda Al-Qaacidda ayaanan weli ka hadlin, dilkii Axadii loo geystay hogaamiyahooda, Ayman al-Zawahiri, kaas oo lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday magaalada Kabul ee caasimadda Afghanistaan, weerarkaasi oo uu Mareykanka fuliyay.

Isla Mareykanka, waxaa uu dhanka kale muwaadiniintiisa ugu digay inay ka fejignaadaan weerar kasta oo lagu soo qaado Mareykanka, kaddib dilkii Al-Zawahiri.

Dilkiisa waxaa Isniinti xaqiijiyay madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden.

71 sano jirka oo ka soo jeeda Masar, ayaa hogaaminta Al-Qaacidda la wareegay kaddib dilkii Osama Bin Laden, sanadkii 2017-kii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post