561 Views

Mareykanka oo goor dhawayd Xayiraad ku soo roogtay mas’uuliyiinta ka tirsan boqortooyada Sucuudiga oo loo heesto Dilkii Wariye Jamaal Kaashuqji.

Mareykanka oo goor dhawayd Xayiraad ku soo roogtay mas’uuliyiinta ka tirsan  boqortooyada Sucuudiga oo  loo heesto Dilkii  Wariye Jamaal Kaashuqji.
____________________________________________________________________________

February  27 /2/ 2021

Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay cunaqabateyn kusoo roogtay tiro kamid ah mas’uuliyiinta boqortooyada Sucuudiga kadib markii sirddoonka Mareykanka uu helay warbixin sheegeyso in dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay dilkii weriyihii u dhashay Sacuudiga Jamaal Kaashuqji.

Cunaqabateynta waxaa kamid ah in lagu soo rogay xayiraad dhanka dal ku galka Mareykanka isla markaana la xanibayo hantida ka taalla halkaas.

Balse Mareykanka ma uusan shaacin wax tallaabo oo ka dhan ah dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa waxa ay dilka Jamaal ku eedeeyeen inuu ku yimid

“howlgal damiirka ka fog” oo ay qaadeen koox sirdoon ah oo loo diray inay weriyaha dib ugu soo celiyaan boqortooyada, iyadoo maxkamad ku taal waddanka Sucuudiga ay maxkamadaysay oo ay bishii Sibteembar ee sanadkii hore xukun 20 sanadood ah ku ridday shan qof, kaddib markii markii hore ay dil ku xukuntay.

Khaashuqji ayaa sanadkii 2018 waxaa si arxandarra ah loogu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post