552 Views

Diyaaradaha Ruushka oo soo galay Hawada Sweden kuna soo xad-gudbay

Diyaaradaha Ruushka oo soo galay Hawada Sweden kuna soo xad-gudbay
____________________________________________________________________________


khamiis: March 3, 2022

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa shalay  ku soo xadgudbay hawada Sweden, sida uu sheegay difaaca Sweden. Ciidamada qalabka sida ee Norway ayaa sheegay in hawada Norway aan lagu arag wax diyaarad ah oo laga leeyahay dalka Ruushka marka loo eego Sweden.

Guud ahaan afar diyaaradood ayaa galay hawada dalka Sweden, sida ay ciidamada qalabka sida ee Iswiidhan ku sheegeen bartooda .

Ciidamada Cirka ee dalka Sweden ayaa u soo diray diyaarado dagaal si ay uga hortagaan diyaaradaha dagaalka ee Ruushka, kuwaasi oo la sheegay inay ahaayeen nooca SU 27 iyo SU 24.

– Tani waxay ku tusinaysaa in diyaargarowgeennu uu wanaagsan yahay. Waxaan u joognay si aan u hubinno midnimada dhuleed iyo xuduudaha Iswiidhan. si buuxda ayaanu u xakameyn karnaa xaalada, ayuu yiri madaxa ciidamada cirka, Carl-Johan Edström.

Ku xadgudubka hawada ayaa ahaa mid muddo kooban socday, wuxuuna ka dhacay dhulka badda ee bariga Gotland.O

ffice Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post