579 Views

Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digay inay ka fogaadaan garoonka diyaarahada ee Kabul

Mareykanka oo  muwaadiniintiisa uga digay inay ka fogaadaan garoonka diyaarahada ee Kabul
____________________________________________________________________________

Axad: August 22, 202

Mareykanka ayaa waxa uu muwaadiniintiisa uga digay inay ka fogaadaan garoonka diyaarahada ee Kabul xilli uu jahawareerku weli ka taagan yahay bannaanka hore ee garoonkaasi.

Digniin amni oo soo baxday Sabtidii ayuu Mareykanku ku sheegay in muwaadiniintiisa aanay iman garoonka sababo la xiriira “suuragalnimada halis amni oo ka dhacda albaabada garoonka”.

Dadka ay wakiillada dowladda Mareykanka u sheegaan inay garoonka tagaan oo kaliya ayey tahay inay safarkaasi galaan, ayaa farriinta lagu sheegay.

Talada ayaa waxa ay imanaysaa xilli kumannaan qof oo iskudayaya inay isaga baxsadaan Afgaanistaan ay isugu soo aruureen garoonka diyaaraha kaddib markii ay dalkaas la wareegeen ururka Taalibaan.

Ururkaasi hubaysan ayaa la wareegay dalka oo dhan waxa ayna qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Kabul, 15-kii bishan Agoosto. Tan iyo markaas wixii ka dambeeyayna tobannaan kun oo u dhalatay Afgaanistaan – iyo weliba dalal ajaanib ah – ayaa waxa ay soo aadeen garoonka diyaaradaha si ay dalkaasi isaga baxsadaan.

Dad tira badan ayaa maalinwalba isugu soo baxa afaafka hore ee garoonka, kuwaas oo ka raja qaba in loo ogolaado inay duulaan. Dadkii la soo shaqeeyay Mareykanka iyo xulafadiisa, iyo dadka u ololeeyay arrimaha sida xuquuqda bini’aadamka, ayaa ka cabsi qaba in Taalibaan ay ka aargoostaan haddii aanay dalka isaga bixin.

Waxa maanta oo Sabti aheyd ka dhacayay garoonka ayaanay cidina ogayn.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, Stuart Ramsay oo ah weriyaha Sky New Kabul uga soo warrama, ayaa sheegay in dadka ku sugan afaafka hore ee garoonka oo kumannaan qof gaaraya “la laayay”, iyadoo ciidammada Britain ay dadkaas tirada badan ka soo dhex saareen kuwa halista ku jiray.

Waxa uu ku tilmaamay waxa dhacay “maalintii ugu xumeyd” isagoo intaas ku daray inay rumaysan yihiin in dad ay goobta ku dhinteen.

Shir jaraa’id oo ay Sabtidii qabteen wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka ayey ku sheegeen in 17,000 oo qof laga soo duulilyay garoonka diyaaradaha, oo ay ku jiraan 2,500 oo muwaadiniin Ameerikaan ah.

Sarkaal ayaa sheegay in “tiro yar” oo Ameerikaan ah iyo Afgaaniyiin oo uu Mareykanku doonayo inuu dalkaas ka soo saaro ay dhibaato wajaheen. Kiisaska qaar, dadkaasi ayaa la garaacay mar ay u socdeen garoonka diyaaradaha.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, Pentagon-ka ayaanan faafaahin intaasi dheer ka bixinin sababta ay u soo saareen digniinta la xiriirta garoonka diyaaradaha, oo waxa ay ku gaabsadeen oo kaliya “wargelin muhiim”.

Dalal kale ayaa sidoo kale ka digay xaaladda ka taagan garoonka.

Dowladda Jarmalka ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in garoonka uu weli yahay “halis wayn in la galana ay badanaa adag tahay”, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee Switzerland ay ku dhawaaqday in xaaladda ammaanka “ay sii xumaatay saacadihii la soo dhaafay” waxa ayna dib u dhigtay dad ay garoonka Kabul ka soo daadgurayn laheyd.

Ciidammada Mareykanka ayaa haatan maamula garoonka caalamiga ah. Waxa ayna gacan ka gaysanayaan sidii ay Kabul uga soo saaraan muwaadiniintooda iyo kuwa dalalka kalaba, oo ay ku jiraan Afgaanistaan kuwaas oo la shaqeeyay ciidammada reer galbeedka una cabsi qaba noloshooda haddii ay Taalibaan ku hoos noolaadaan.

Hasayeeshee Mareykanka ayaa 31-ka bisha Agoosto ka dhigay maalinta ugu dambaysa ee ay ciidammadooda la baxayaan, mana cadda waxa dhici doona wixii taariikhdaas ka dambeeya.

Jimcihii madaxweynaha waddanka Mareykanka Joe Biden ayaa waxa uu wacad ku maray in “qofkasta oo Ameerikaan ah oo doonaya inuu dalkiisa ku soo laabto, aan gurigiisa gayn doonno”. Hasayeeshee waxa uu qiray in daadguraynta “ay halisteeda wadato” waxa uuna ku tilmaamay inay tahay “mid ka mid daadguraynta ugu wayn ee ugu dhibka badan ee dhanka cirka ah ee abid la arko”.

Dhanka kalana Taalibaan ayaa waxa ay isku dayayaan inay xukunkooda dhidibada ugu aasaan waddanka Afgaanistaan.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post