816 Views

Sheekh Shariif oo ku sugan ugandha oo ka badbaaday Qarax ismiidaamin ah

Sheekh Shariif  oo ku sugan ugandha oo ka badbaaday Qarax ismiidaamin ah
____________________________________________________________________________


Sabti: August 28, 2021

 Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in ciidamada amniga ee dalkaas ay ka hortageen koox isku dayaysay inay qarax ku weeraraan dadka u baroor diiqayay ku xigeenkii taliyaha booliska dalkaas.

Hadalka Museveni ayaa daba socday xarigga nin doonayay in uu is qarxiyo oo lagu qabtay degmada Pader ee ku taalla waqooyiga waddankaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in ujeeddada ay ahayd in la weeraro goobta ay ka dhaceysay munaasabadda aaska Lokech, taasoo ay ka qayb galeen madax sar sare oo uu kamid ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ninka la qabtay waxa uu watay qalab laga sameeyo bambooyinka, sida ay mas’uuliyiinta sheegeen.

Waxyaabaha ninkaas lagu qabtay waxaa ka mid ah garanka la isku qarxiyo iyo qalab kale oo qarxisooyin ah.

Janaraal Paul Lokech waxa uu ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Uganda, isagoo Soomaaliya kasoo shaqeeyay in muddo ah.

Intii uu Soomaaliya ku sugnaa mar waxa uu ahaa taliyaha ciidamada Uganda ee gacanta ku hayay amniga xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post