876 Views

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Guddi Magacaabay

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Guddi Magacaabay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 1, |  2020—Golaha Aqalka sare ee dalka ayaa Magacaabay Guddi Doorasho oo la socda Doorashada xubnaha Xildhibaanada ah ee Goballada waqooyi ka soo gelaya Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo lagu dooranayo Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa waxaa lagu Magacaabay Guddiga oo ka kooban 7 Xubnood, kuwaas la soconaya sida ay u dhacayaan doorashada Xildhibaannada labada Aqal ku matalaya gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Soomaaliland.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Magacaabsta guddigaan waxaa uu ogeeysiiyay Madaxweyne Farmaajo & Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Xildhibaannada waqtiga xilheyntooda uu geba-gabada yahay ee labada Aqal ku matala Soomaaliland.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post