993 Views

Soomaali ku Guuleysatay Doorasho ka Dhacday Mareykanka

Soomaali ku Guuleysatay Doorasho ka Dhacday Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 06, 2019–-Nadiya oo ah 23 jir bisha December ee soo socota ka qalin-jabin doonta jaamacadda ayaa noqotay qofki ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali ah oo ka mid noqda Golaha Deegaanka ee magaalada St Louis Park.

 

Nadiya ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay doorashada ay kusoo baxday oo ay dad badan caawin ka heshay,waxana ay sheegtay in guusha ay gaartay ay sababteeda tahay in dadku ay ogaadeen inay daacad tahay.

 

Dhinaca kale Waxaa isna xubinnimada Golaha Deegaanka ee magaalada Fridley ee gobolka MN ku guuleystay, Cabdisalam Aaden oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee magaaladaasi.

 

Sidoo kale Soomaalida guuleysatay waxaa ka mid ah Safiya Khalid oo ah gabar Soomaaliyeed, taasoo noqotay Soomaaligi ugu horreeyay oo ku guuleysta xubinnimada golaha deegaanka ee magaalada Lewiston ee gobolka Utah ee dalkaan Mareykanka.

 

Dalka Mareykanka ayaa waxaa uu kamid yahay wadamada ugu badan ee dadka Soomaalida qaxootiga ah ay jagooyin sar sare ay ka qabtaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment