1008 Views

Dowlada somalia oo markale cadeysay mowqifkeeda dacwada badda

Dowlada somalia oo markale cadeysay mowqifkeeda dacwada badda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 04, 2019 —Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay kullan guddiga amniga iyo nabadda ee Afrika oo looga hadlaayay arrimaha dacwadda Kenya iyo Soomaaliya kadib markii ay dowladda kenya horgeysay golaha.

 

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr oo kullanka khudbad ka jeediyay ayaa golaha u sheegay in dacwadda Kenya iyo Soomaaliya ay muddo shan sanno ah hortaal Maxkamadda xilligaan in golaha la horkeenana ay tahay wax lagu mushquulinaayo doodda maxkamada.

 

Wasiiru dowlaha oo Wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in marnaba aysan dowlada Soomaaliya ka laaban doonin dacwadda Badda ee hortaalla Maxkamadda Caddaalladda adduunka ee ICJ.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment